HomeAll newsMid kamid ah Ergadii soo xushey Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Mid kamid ah Ergadii soo xushey Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu dilay mid kamid ah Odoyaasha ka qeybqaatay soo xulista xubnaha Baarlamaanka dowladda federaalka

Deerow Dhaqane Maxamed oo kamid ahaa ergada soo xulay xubnaha baarlamaanka maamulka “Jubbaland” ayaa lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo loo badinayo iney katirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay odeygan, waxaana markaas kadib ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Ugaarsi gaar ah ayaa lagu hayaa Odoyaasha ka qeybgalay soo xulista xubnaha Baarlamaanka dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular