HomeAll newsMuslimiinta Urdun oo isgarab taagay walaalahooda ku dhiban Xuduud beenaadka.

Muslimiinta Urdun oo isgarab taagay walaalahooda ku dhiban Xuduud beenaadka.

Iyadoo kumanaan qoys oo muslimiin Suuriyaan ah ay ku dhibanyihiin xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Suuriya iyo Urdun ayay shacabka muslimiinta ee Urdun waxay billaabeen ol ole iyo abaabul ay ugu gurmanayaan walaalahooda.

Inta badan gobollada dalka Urdun waxaa ka billowday dhaqaale uruurin ay sameynayaan dadka muslimiinta ah, arintaas lagu doonayo in gurmad kala duwan lagu gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan xuduuda.

Culimada iyo ducaada ayaa dadka muslimiinta ku dhiirageliyay iney hiil iyo hoo wixii ay awoodaan ku garab istaagaan walaalahooda muslimiinta ee kasoo barakacay jaxiimada gobolka Darcaa, waxaana dadku ay ajiibeen baaqa culimada.

Dhalinyaro muslimin ah ayaa sameeyay goobo la isugu keeni karo gurmadka oo noocyo kala duwan leh, dadka qaar ayaa keenaya cunto, kuwa ayaa keenaya bustooyin iyo dharka dhaxanta, waxaana muuqata isku tashi ballaaran oo ay sameeyeen muslimiinta Urdun.

Dadka muslimiinta ee degan gobolka Ar-ramthaa oo dhaca xuduuda Urdun iyo Suuriya ay wadaagaan ayaa billaabay xamlada gurmadka, waxaana markaas kadib ku dayday muslimiinta degan gobollada kale.

Dr Iyaad Quneybi oo kamid ah dadka Aqoonyahannada muslimiinta ee jooga Urdun ayaa aad u dhiirageliyay ol-olahan ay bilaabeen muslimiinta Urdun, wuxuuna sheegay iney arintan muujineysa karamka iyo wanaaga muslimiinta Urdun.

Qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebooka, ayuu Dr-ku ku dhiirageliyay muslimiinta iney tallaabooyin horleh sii qaadaan, islamarkaana ay sii wadaan gurmadka.

Xuduuda Urdun iyo Suuriya ayaa maalintii shalay la furay, waxaana dowladda Urdun ay ogolaatay in gurmadka banii aadamnimo la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan xuduuda ee kasoo barakacay gobolka Darcaa ee Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular