HomeAll newsQarax Gaari Gaashaman lagu gubay oo ka dhacay Mandhera.

Qarax Gaari Gaashaman lagu gubay oo ka dhacay Mandhera.

Kolonyo ciidamo Kenyan ah oo marayay gobolka Mandera ayaa lala eegtay qarax khasaare dhaliyay oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa qabsaday mid kamid ah gawaarida kolonyada oo ay saarnaayeen Askar katirsan dowladda Kenya, waxaana goobta gebi ahaanba ku burburay Gaariga, iyadoona ay jiraan khasaare gaaray ciidamadii saarnaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Shiiq-barrow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobolka Mandheera, waxaana ku gubtay gaari nooca Beebaha ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo Al-furqaan la hadlay waxay sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo gaaray ciidamada Kenyaatiga ee qaraxa lagula eegtay Mandheera, inkastoo la helin tirada rasmiga ah.

Gudaha dhulka muslimiinta ee ay Kenya gacanta ku heyso waxaa ka dhaca weeraro abaabulan oo joogta ah, kuwaas oo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan halkaas, waxaana dowladda Kenya ay u taag heli la’dahay iney ka hortagto weerarada ay fulinayaan Mujaahidiinta.

Marar badan waxaa deegaannada gobolka NFD ee ay degaan Soomaalida ka dhacay qaraxyo noocan ah oo khasaare adag lagu gaarsiiyay dowladda Kenya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular