HomeAll newsCiidamada Nabadsugida Oo Muqdisho Ku Tacdiibiyay Afhayeenka Maamulka Galmudug.

Ciidamada Nabadsugida Oo Muqdisho Ku Tacdiibiyay Afhayeenka Maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Xaashi Roob Da’ay- Afhayenka Galmudug.

Ciidamo katirsan sirdoonka dowladda federaalka ayaa dhacdo la yaab leh ka geystay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Cabdullaahi Xaashi Roob da’ay oo ah Afhayeenka maamulka Galmudug ayaa waxaa afduubtay ciidamo katirsan PS-ta gaar ahaan kuwa loogu magacdaray “Xasilinta” waxaana ay kula kaceen gabood fallo iyo tacdiib arxan daro ah.

Ciidamada Nabadsugida ayaa Roob Da’ay ka qabtay isgosyka Sayidka ee magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib ay geysteen jeelal ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyagoona halkaas ku tacdiibiyay.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in Cabdullaahi Xaashi oo ah Afhayeenka maamulka Galmudug ay ciidamada PS-tu ka dhigeen dharka, isagoo qaawanna ay sawiro badan ka qaadeen.

Cabdullaahi Xaashi oo markii lasoo daayay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loogu hanjabay in la faafin doono sawirradiisa isagoo qaawan, haddii uu markale ka hadlo arinta Qalbi-dhagax, waxna ka sheego madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dowladda.

Wuxuu sheegay Roob Da’ay inaanu ka hari doonin ciidankii falkaas kula kacay, wuxuuna dhanka kale shaaca ka qaaday inuu ka baqayo in la iqtiyaalo, maadaama loogu hanjabay haddii uu joojin waayo dhaleeceynta dowladda in nolosha la dhaafin doono.

Siyaasiyiin iyo Xilibaano katirsan dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxayna codsadeen in maxkamad lasoo taago ragga falkaas geystay.

Dad badan waxayy is waydiin karaan haddiiba dowladda ay sidan ula dhaqmeyso xubnaheeda, bal dulmi intee la eg ayay u geysan kartaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda, kuwaas oo marar badan si sharci darro ah loo xiray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular