
Sideed Askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa isku dhiibay Wilaayada islaamiga ee Hiiraan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada isa soo dhiibay waxay ka kala yimaadeen magaalooyinka Baladweyne iyo Buula-burde, waxayna Maxkamadda islaamiga ah ee Hiiraan ka hor sheegeen iney kasoo baxeen falkii ay ku jireen.
Degmada Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay askartan Towbad-keenayaasha ah, waxaana ay sheegeen in dhibaatooyin ba’an ay ku heysatay goobaha ay ka yimaadeen.
Wilaayaadka Islaamiga waxaa si joogta ah usoo gaara ciidamo Towbad-keenayaal ah oo kasoo tagay safka dowladda federaalka ee ay Shisheeyuhu wataan, waxaana ciidamada marka ay so gaaraan goobaha Mujaahidiinta loo lacageeyaa qoryahooda, iyagoona dhulka Shareecada lagu maamulo ku helo amni iyo xasilooni.