HomeAll newsDhagayso Taliska Ciidamada Al-Shabaab Oo Faafaahin ka bixiyay Dagaalkii Wajeer.

Dhagayso Taliska Ciidamada Al-Shabaab Oo Faafaahin ka bixiyay Dagaalkii Wajeer.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Sheekh  Cabdul-Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id  waxa uu ku faafaahiyay dagaal dhawaan ka dhacay degmada Wajeer, kaas oo lagu dilay ciidamo badan oo Kenyaati ah.

Kamiinkan waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kutulow, waxaana loo dhigay ciidamo kenyaan roondo sameynayay.

Abuu Muscab waxa uu sheegay in qarax lala kiciyay mid kamid ah gawaarida ciidamada  Kenya, wixii halkaas ka badbaadana ay Mujaahidiintu rasaas nool nool la dheceen.

Dhowr iyo toban Askari ayuu Sheekh Abuu Muscab sheegay inay ku dileen dagaalkaas.

Dhanka kale Sheekhu wuxuu mahadcelin iyo bogaadin gaar ah u jeediyay guutada ka howlgasha dhulka Kenya ee katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay iney sii wadaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Kenya.

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sh.Abu Muscab oo ka hadlay Weerarkii WAJEER

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular