Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dad farabadan oo ku taalla gobolka New jersy ee wadanka Maraykanka, waxaana halkaas ka dhashey khasaare.
Booliiska gobolka ayaa shaaca ka qaaday in rag hubeysan ay gudaha u galeen goob uu ka socday mahrajaan ay isugu yimaadeen inkabadan 1000 ruux oo ku taalla magaalada Tronton oo ah magaala madaxda gobolka New Jersy.
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka, 4 kamid ah xaaladooda waa mid liidata, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka.
Inkastoo dowladda Maraykanka aaney weli si toos ah u sheegin tuhunka ay qabto iyo asbaabaha ay u maleynayaan inuu keenay weerarka ayaa hadana waxaa la sheegayaa in mid kamid ah raga weerarka fuliyay la dilay, halka mid kalana la qabtay.
Booliiska waxay sidoo kale su’aalo waydiiyeen qaar kamid ah dadkii goobjooga ahaa dhacdada.
Weerarada noocan ah waxay kusoo badanayeen sanadihii ugu dambeeyay wadanka Maraykanka, waxaana intooda badan fuliya kaligii duuliyaal muslimiin ah oo ka careysan siyaasadaha dowladda Maraykanka, halalka mararka qaar weeraradaas ay fuliyaan dad gaalo ah oo careysan.