HomeAll newsDagaallo ka socoda magaalada Al-Xudeyda iyo dadka shacabka ah oo dhibaateysan.

Dagaallo ka socoda magaalada Al-Xudeyda iyo dadka shacabka ah oo dhibaateysan.

Magaalada Al-xudeyda oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn wadanka Yaman, ahna magaalo dekadeed oo istiraatiiji ah ayaa waxaa ka socoda dhowr maalmood dagaallo adag  oo dhexmaraya ciidamada Yamaniyiinta oo taageera ka helaya kuwa taxaalufka iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Taxaalufka ayaa doonaya inuu la wareego dekadda iyo garoonka magaalada Al-xudeyda, waxaana dowladda taagta daran ee Yaman ay dhankeedu dooneysaa iney dhul ballaarsi sameyso oo magaaladan ay kamid noqoto dhulka ay iyadu gacanta ku heyso.

Dagaallada ugu adag waxay ka socodaan dhanka xeebta, iyadoona ay dagaalka ka qeybgalayaan ciidamo dhanka badda ah oo ka socoda dowladda Imaaraatka.

Taxaalufka carbeed ayaa warbaahinta ka sheegtay iney la wareegeen garoonka magaalada Al-xudeyda, balse sawiro gaar ah oo uu baahiyay tvga Aljazeera waxay muujineysaa in garoonka weli ay maamulayaan malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Malaayiin ruux oo shacab ah kuna sugan magaalada Al-Xudeyda ayaa waxaa soo wajahay xaalada adag, waxaana ciriiri ah magaalada in la helo cuntooyinka quudul daruuriga ah maadaamo ay dagaallo adag socdaan.

Dowladda Maraykanka war ay soo saartay waxay ku sheegtay inaaney iyadu hogaamineynin, islamarkaana si toos ah u taageereynin howlgalka Taxaalufka carbeed ka wado magaalada Al-xudeyda ee dalka Yaman.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular