Si weyn ayaa looga ciiday dalka Soomaaliya gaar ahaan goballada ay maamusho xarakada shabaabul mujaahidiin oo Amni ay ku heystaan dadka ku nool.
Fagaare weyn oo ku yaalla magaalada Saakow oo dadka loo sii sheegay in lagu dukunayo salaada ciida ayaa maanta waxaa xaadiray oo ku dakaday dad badan o isugu jira rag iy haween.
Caruur badan oo xiran dhar qurxoon gacmahana ku wata agabka ciida ayaa lagu arkayay wadooyinka Saakow.
Mas’uuliyiin katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa dadka la hadlay iyagoo ku dheeraaday dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha kusoo duulay dalka Soomaaliya.
ciidamo aad uhubaysan oo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa la dukaday dadweynaha,mana jirin baqdin iyo dareen bulshada ay ka qabeen ciidanka.
Hoos Ka Daawo sawirada Ciida Saakow.