Meelo kala duwan oo Soomaaliya kamid ah ayaa waxaa laga arkay bisha Shawaal sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay oo ay xiriir ka heshay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan.
Maktabka Qadaha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna waxaa lagu wadaa iney goor dhow war soo saaraan. Tan iyo abaaro xilligii maqribkii waxay dad weynuhu is weydaarsanayeen su’aalo ku saabsan aragtida bisha. Waxaa tan iyo maqribkii mashquul laga dareemayaa khadadka taleefanada bal si uu qof walba u ogaado iney berri ciid tahay.
Si kastaba ha ahaato’e bisha Shawaal waxaa laga arkay meelo kala duwan, insha’allah Berrina waa CIID.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال