HomeAll newsSarkaal sare oo katirsan malleeshiyaadka u shaqeeya Imaaraatka Oo lagu dilay Yaman.

Sarkaal sare oo katirsan malleeshiyaadka u shaqeeya Imaaraatka Oo lagu dilay Yaman.

Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ayaa sheegaya in dalkaas lagu dilay sarkaal sare oo katirsan malleeshiyaadka u shaqeeya dowladda Imaaraatka ee qaabilsan dhibaateynta dadka muslimiinta ah.

Rag hubeysan oo katirsan mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca ayaa magaalada Zinjibaar ee gobolka Abyan waxay ku dileen madaxii ciidamada Birmidka ee hoostaga malleeshiyaadka Xizaamul amniga ee ay dhistay dowladda Imaaraatka.

Ninka la dilay oo lagu magacaabo Huud Saalax ayaa la toogtay isagoo ku sugan suuqa magaalada Zinjibaar, waxaana raga dilka geystay kadib markii ay howlgalka fuliyeen kadib ay ka dhaqaaqeen goobta.

War kasoo baxay Ansaaru Shareeca ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan, oo ku feylaya dilal dhowr ah oo loo geystay saraakiisha ciidamada Imaaraatka hoostaga.

Ninkan la dilay ayaa caan ku ahaa dhibaateynta dadka muslimiinta Ahlu sunnaha, waxaana uu ahaa qof aad ugu firfircoon howlgallada habeenkii ee lagu qal qal geliyo haweenka iyo caruurta guryahooda kusugan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular