HomeAll newsMadixii Maaliyadda Wallaweyn iyo Askar badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay...

Madixii Maaliyadda Wallaweyn iyo Askar badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadaas.

Fiidnimadii xalay ayaa qarax aad u culus waxaa uu mar qura ruxay isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar katirsan maamulka degmada Walla-weyn ee koonfur galbeed.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa gallaaftay nolosha saraakiil iyo askar badan oo katirsan dowladda, waxaana jira dhaawacyo kale oo aad u farabadan.

Madixii Maaliyadda maamulka Wallaweyn oo lagu magacaabo Hurdaaye iyo 10 askari oo kale ayaa ku dhintay qaraxa xalay ka dhacay Wallaweyn oo ahaa mid aad u xoogan, waxaana dhaawac noqday 7 askari, kuwaas oo loola cararay isbitaal saldhiga Ballidoogle ku leeyihiin ciidamada Maraykanka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ay ku le’deen askarta badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular