Boqolaal qoys oo ka mid ah kuwa fatahaadda webiga jubba ay saamesay kuna sugan gobalka Jubada hoose ayaa la gaarsiiyay raashin iyo dawo xilli ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Hay’adda al ixsaan ee ka howl gasha wilaayaadka islaamiga ah iyo maamulka xarakada shabaabul mujaahidiin ee jubooyinka oo kaashanaya qaarka mid ah dadka soomaaliyeed oo allaah dartii wax ula baxay ayaa u gurmaday dhibanayaal dalagyadii beerahooda daadadku xaaqeen isla markaana guryahoodu biyo ka buuxsameen.
Kadib safar saacado qaatay ayaanu gaarnay deegaanada qorshuhu ahaa in dadka ku nool loo gar gaaro .
Inkastoo gaadiidka aanu saarnayn ku socday wadada laamiga ah ee isku xidha muqdisho iyo kismaayo hadana waxaa xusid mudan in gaarigii aan sarnaa iyo kuwo kaleba meel dhexe dhiiqo ku galeen dabadeedna cagaf cagaf noo soo gurmatay kadibna naga saartay maadaama laamigu meelo badan ka bur buray oo ay boholo noqdeen.
Waxaanu nahay kuwo gurmanaya iyo iyagii loo sii gurmanayo.
Qiyaastii shan saac oo habeenimo ayaan gawaarida kaga degnay deegaanka araare kadibna doon yar oo hadba dhan u ciireysa ayaan webiga kaga gudubnay iyadoo kooxba mar qaadeysa si aanu ugu hoyano magaalada jamaame.
Subaxdii dambe ayaan hadana doon ku soo gudbnay si aan u tagno halka lagu balamay in raashinka iyo dawada lagu bixiyo ee sanguuni ,barakacayaashuna waxay ahaayeen kuwo la sii war geliyayay oo u diyaar garoobay in ay soo xaadiraan goobtii lagu balamay.
Dadka waxaa la siiyay bariis, sonkor, saliid iyo mara kaneeco.geesta kalena waxaa goobta ku sugnaa saraakiil caafimaad oo ka socday hay’adda al ixsaan kuwaasoo dadka siinayay dawooyin lacag la’aan ah ka gadaal marka ay u sheegaan xanuunada haya.
Ma jirin buuq iyo isku dhex yaac, muran iyo wax isku qabsasho cid welibana waxaa markii hore la siiyay kaar ay raashinka ku qaadato dhaqtarkana kula kulanto.
Intii howshu socatay ayaan wareystay mid ka mid ah xubnaha gudiga gurmadka ee wilaayaada jubooyinku shaqadaan u xil saartay.
Inka badan sadax boqol oo qoys oo ku dhaqan sanguuni iyo tuulooyinka ay diriska yihiin ayaa ka faa’iideystay gurmadkaan waxaana wejiyadooda laga dareemayay sida ay uga faraxsan yihiin gacanta ay u fidiyeen walaalahooda muslmiinta ah.
Qaar ka mid ah dadka loo gurmaday ayaa u waramay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan waxayna sheegayaaan in ay ku laab qabowsadeen tilaaabdaan walaalnimadu ka muuqato.
Gurmadka wilaayada jubooyinka iyo hay’adda al ixsaan iska kaashanayaaan ma ahan mid intaan ku eg ee waxaa lagu wadaa in deegaano kale oo jubbooyinka ka tirsan dadka ku dhaqan qaarkood raashin iyo dawo la gaarsiiyo.
Horay wilaayadu waxay raashin iyo marakaneecooyin u gaarsiiyeen dadka ku dhaqan deeganada cawra male iyo Aamineey ee duleedka degmada jilib.
Webiga jubba iyo kan shabeelle ayaa sanadkankaan geystay fatahaad saameyn balaaran yeelatay, gaar ahaanna webiga jubba waxa uu dhulka la simay dalag beereedkii ku yiil deegaano boqolaal kiilow mitir ah oo ka tirsan gobalada jubada dhexe iyo jubada hoose.
Ugu dambeyn baaqa hay’adda al ixsaan, guddiga gurmadka iyo maaulka mujaahidiintu waxa uu yahay in dadka soomaaliyeed u gurmadaan walaalahooda tabaaleysan iyadoo qof waliba dhiibayo wixii karaankiis ah.