HomeAll newsXubin katirsan Shaqaalaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Xubin katirsan Shaqaalaha Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa khaarijiyay xubin katirsan shaqaaalaha baarlamaanka dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Cumar Dalxa waxaa lagu weeraray degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, gaar ahaan dhabarka dambe ee hotel Kuwait Place.

Raga katirsan Al-Shabaab ayaa sarkaalkan waxay ku dhufteen dhowr xabadood, waxaana markii ay hubsadeen iney ku guuleysteen dilkiisa ay ka dhaqaaqeen goobta.

Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka dowladda Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkan katirsan Baarlamaanka, waxaana uu eed kala duldhacay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Mursal ayaa ka codsaday laamaha Amaanka dowladda iney soo qabtaan raggii geystay dilka.

Cumar Dalxa ayaa ahaa qasnajiga baarlamaanka dowladda federaalka, waxaana dilkiisa uu ku daba feylayaa dilalka dhacay bisha Ramadaan ee lala eegtay xubnaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular