Wararka ka imaanaya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa xaqiijinaya in labadii maalmood halkaas ay ka socdeen dagaallo qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askar katirsan dowladda federaalka oo taageero ka helaya Shisheeyaha.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa iney sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku dhiganayaan isbaarooyin ay ku baadayaan dadka iyo gaadiidka isaga kala goosho labada gobol, waxaana dagaal kala hortagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Shalay ayaa dagaallo culus waxay ka dheceen inta u dhexeysa Xalfooley iyo Jalalaqsi, waxaana dagaalladaas khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda, ugu yaraan 5 Askari ayaana ku dhintay, sida ay xaqiijinayaan warar aanu heleyno.
Ciidamada Itoobiya ayaa taageero siinaya malleeshiyaadka dowladda ee dhac doonka ah, waxaana ciidamo Xabashi ah oo kasoo baxay Maxaas ay soo gaareen magalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaallada tan iyo labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhacayay waxaa la xaqiijiyay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen inkabadan 40 Askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.