Xoogaga Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ku guuleystay iney gubaan diyaarad nooca hellecopterka ah oo ay wateen ciidamo katirsan Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadanka Afqaanistaan.
Ciidamada Maraykanka oo ay la socdeen kuwa sida gaarka ah u tababaran ee xukuumadda Kaabul ayaa kusoo degay deegaan katirsan magaalada Lashkar Jaah ee gobolka Helmand, waxaana markaas kadib dagaal kala hortagay ciidamada Mujaahidiinta.
Askarta Maraykanka waxay doonayeen iney gudaha u galaan dhismaha xarun ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Dhaalibaan, balse waxaa qabsaday dagaal faraha looga gubtay.
Dagalka oo in muda ah qaatay waxay ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ku guuleysteen iney ku dilaan 4 askari oo Ameerikan ah, iyagoona gubay diyaaradda hellecopterka ah ee ay wateen.
Muuqaal kooban oo lagu baahiyay barta Telegramka ay ku leedahay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu arkayaa diyaaradda oo uu holac ka kacayo, islamarkaana aad u gubaneysa, waxaana ku dhex shiilmaya sida la rumeysanyahay ciidamada Ameerikaanka ah.
alxamduliiaah ,ilaahay ayaa mahad leh cadawgiisa jabkaasi ku riday.mujaadiintan guul kama damays ah ayaa u rajaynayaa..