Habeennimadii xalay waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu afduubtay haweenay u dhalatay wadanka Jarmalka oo ku sugneyd maalmihii tagay Soomaaliya.
Haweeneyda la Afduubtay waxay u shaqeneysay hay’adda Laanqeerta Cas ee Qaramada Midoobay, waxaana ay ahayd kalkaaliso caafimaad.
Iyadoo ku sugan xarun hay’adda ay ku leedahay Tarbuunka ayaa rag hubeysan afduubteen, lamana oga halka ay la aadeen.
Dowladda Federaalka oo war soo saartay waxay ku sheegtay in qaar kamid ah ilaalada xarunta hay’adda ay ka dambeeyaan Afduubka haweeneydan u dhalatay dalka Jarmalka.
Hay’adda Laanqeerta Cas oo war kasoo saartay dhacdada ayaa sheegtay iney aad uga xuntahay afduubka dhacay, waxayna codsatay in laga shaqeeyo sidii iyadoo bad qabta ay haweeneydaas ugu soo laaban lahayd dalkeeda.