HomeAll newsDhagayso: Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo War kasoo saaray Howlgallo dhacay Maalmihi...

Dhagayso: Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo War kasoo saaray Howlgallo dhacay Maalmihi lasoo dhaafay.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab ayaa faafaahin ka bixiay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wilaayaatka islaamiga ee Banaadir iyo Shabeellaha hoose.

Ugu horeyn magaalada Muqdisho, wuxuu sheekhu sheegay in ciidamada Mujaahidiinta saddex howlgal oo muhiim ah ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Howlgalka koowaad waxa uu ka dhacay warshadda Caanaha ee degmada Hodan, waxaana ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda oo halkaas ku sugnaa, waxaana la gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka gaadiidkoodana waxyeello  ay soo gaartay, sida uu sheegay Afhayeenka.

Howlgalka labaad oo ka dhacay degmada Yaaqshiid waxaa lagu dilay sarkaal katirsan Dembi baarista dowladda, kaas oo Sheekhu sheegay in  dhibaatooyin badan uu kula kacay dadka Muslimiinta ah, isagoo u saariyay dembiyo aysan gelin, waxaana lagu dilay afaafka hore ee xarunta shaqadiisa.

Howlgalka saddexaad ee Muqdisho, waxaa uu ka dhacay isla degmada Yaaqshiid, gaar ahana xaafadda  Caymiska, waxaana askar katirsan Mujaahidiinta ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa PS-ta dowladda, khasaare ayaana halkaas kusoo gaaray.

Dhanka gobolka  Shabeellaha hoose, wuxuu Sheekh Cabdil-Caziiz Abuu Muscab sheegay in mujaahidiintu ay qarax la eegteen kolonyo katirsan ciidamo Cadaan iyo kuwa Africaan ah oo marayay degmada Afgooye, kuwaas oo kayimid dhanka Buula-Mareer.

Gaariga uu qaraxu qabsaday oo ahaa noocyada qaffilan ayaa gebi ahaanba halkaas ku burburay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu dambeyn Sheekh Abuu Muscab wuxuu farriin muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan, waxaana uu ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dagaallada looga soo horjeedo Shisheeyaha ee Soomaaliya ka socoda.

Sheekha ayaa ku waaniyay in qof weliba uu la yimaado awoodiisa,dhallinyarada ayuu ugu baaqay iney iska xaadiriyaan mucaskaraatka Tababarada ee Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso Sheekh Abuu Muscab oo faafhiyay howlgalladii ugu dambeeyay ka hadlay.

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular