Rag ku hubeysan bastoolado ayaa toogtay sarkaal katirsan ciidamada Booliiska dowladda federaalka, kaas oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Xassan dheere oo ahaa sarkaal katirsan Booliiska gaar ahaan qeybta Dembi-baarista ayaa lagu toogtay isagoo ku sugan meel u dhow xarunta degmada Yaaqshiid.
Ragga hubeysnaa ayaa Xassan dhowr xabadood kaga hubsaday qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana markii ay dilka geysteen kadib kaga dhaqaaqeen goobta si ay Amni iyo nabad geliyo ku dheehantahay.
Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan booliiska dowladda kuwaas oo qaaday meydka sarkaalka, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaanno ay ku raadinayaan ragga dilka geystay, balse kuma guuleysan.
Muqdisho, ciidamada qarsoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fara kulul ku haya saraakiisha iyo askarta ciidamada dowladda, waxaana si joogta ah u dhaca dilal qorsheysan oo nolosha lagu dhaafiyo saraakiil muhiim u ah dowladda.
Dilka Sarkaalkan ayaa yimid iyadoo madaxda dowladda maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka sheegayeen iney xooga saarayaan sugidda Amaanka, islamarkaana isbedel wanaagsan ay dareemayaan.