HomeAll newsXillibaanada Golaha Baarlamaanka Oo Shiraya, iyo Cabsi Jirta!

Xillibaanada Golaha Baarlamaanka Oo Shiraya, iyo Cabsi Jirta!

Xarunta ay ku shiraan golaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan xillibaano katirsan Baarlamaanka, kuwaas oo wata Ajandayaal kala duwan.

Ciidamo isugu jira Soomaali, Africaan iyo kuwa cadaan ah oo Eeyo wata ayaa baaraya xillibaanada ka hor inta aysan gudaha u gelin xarunta, waxaana laga cabsi qabaa in xilibaanadu dhexdooda is feeraan.

Dabaqa sare ee dhismaha golaha Baarlamaanka waxaa saaran malleeshiyaad daacad u ah Jawaari, kaas oo la kulmaya xaalad siyaasadeed  oo aad u kacsan, laguna doonayo in xilka looga qaado.

Wixii kusoo kordha xaaladda kacsan ee Baarlamaanka waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular