
Afhayeenka howlgallada Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab Oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay howlgalkii maanta ciidankooda ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Shisheeyaha Yugaandha ku leeyihiin Buula-Mareer iyo Golweyn oo katirsan Shabeellaha hoose.
Abuu Muscab wuxuu xaqiijiyay in Naftooda huriyaal katirsan Mujaahidiinta iyo Inqimaasiyiin ay howlgal culus ku qaadeen Shisheeyaha, islamarkaana ay dileen tiro badan oo katirsan ciidamada AMISOM.
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in howlgalladii maanta ay ku dileen 59 Askari oo Yugaandhees ah, halka dhanka Mujaahidiinta ay uga shahiideen 14 Mujaahid oo inqimaasiyiin ahaa, kuwaas oo u daatay xeryaha ciidamada Shisheeyaha.
Sheeekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab wuxuu shaaca ka qaaday in maanta oo keliya mujaahidiintu fuliyeen 6 howlgal oo lagu beegsaday Shisheeyaha ku sugan gobolka Shabeellaha hoose, ayna Mujaahidiintu jab adag gaarsiiyeen Shisheeyaha.