HomeAll newsXillibaan Muqdisho Lagu dilay iyo Xarakada Al-Shabaab Oo sheegatay Mas'uuliyadda.

Xillibaan Muqdisho Lagu dilay iyo Xarakada Al-Shabaab Oo sheegatay Mas’uuliyadda.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay magaalada Muqdisho ku toogteen haweeney katirsaneyd xillibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif  Xassan.

Xillibaannada la dilay waxaa magaceeda lagu sheegay Ruqiyo Xassan Abshir, waxaana lagu dilay xaafadda Maanabooliyo ee degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Saraakiil katirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in xillibaanada iyadoo dhaawac ah ay qaadeen, balse ay dhexda ku geeriyootay, maadaama rasaasta ay kaga dhacday qeyba sare ee jirka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Xillibaannadan, waxaana Xarakadu ku hanjabtay in la dar dar gelin doono howlgallada lagu ugaarsanayo Xillibaannada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular