
Kulan saacado badan qaatay kadib oo ay yeesheen xubnaha xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ayay isku raaceen qofka noqonaya Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya sanadaha soo socoda.
Xisbigan oo ka kooban 1800 oo xubnood ayaa kulamo maalmo socoday kadib waxay shalay aqbaleen istiqaalada Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Heyla Maryam Deccelin, saacado kadibna waxay magaacaabene ra’iisul wasaare cusub.
Abiye Axmed Cali oo sida magaciisa laga dareemayo kasoo jeeda qowmiyadaha muslimiinta ee dega Itoobiya ayaa loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya.
Magacaabista ninkan waxay timid kadib xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalka Itoobiya, wixii ka dambeeyey markii uu is casiley ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Heyla Maryam.
Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda Itoobiya oo aad u kacsan, islamarkaana ay ka dhacayaan banaanbaxyo iyo dagaallo u dhexeeya dadka shacabka ah iyo ciidamada Itoobiya.