HomeAll newsRa’iisul wasaaraha Yahuudda oo Isbitaal loola cararay..

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda oo Isbitaal loola cararay..

Bin Yamin Natanyahu oo ah ra’iisul  wasaaraha maamulka Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ayaa si lama filaan ah waxaa loola cararay isbitaal, kadib markii xaalad caafimaad darro ay soo wajahday.

Natanyahu ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa loola cararay isbitaalka Hadaasa ee ku yaala xaafadda Caynu-Karam ee Qudusta galbeed, ee ku jirta gumeysiga Yahuudda xagjirka ah.

Saraakiil katirsan xafiiska Bin Yamin Natanyahu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha loola cararay isbitaalka, kadib markii heer kulka jirkiisa uu aad u kordhey.

Qandho aad u daran oo aan la ogeyn waxa tahay ayaa laga soo sheegayaa iney ku habsatay Bin Yamin Natanyahu, waxaana weli uu ku suganyahay isbitaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular