HomeAll newsXuuthiyiinta Oo Sawaariikh Ku garaacay Xarameynka iyo Aala-Sucuud Oo u dacwooday Golaha...

Xuuthiyiinta Oo Sawaariikh Ku garaacay Xarameynka iyo Aala-Sucuud Oo u dacwooday Golaha Amaanka.

Malleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee maamula inta badan wuqooyiga dalka Yaman ayaa gantaallada ridada dheer waxay ku garaaceen magaalooyin katirsan dhulka Xarameynka oo ay ku jirto caasimadda Aala-Sucuud ee Riyaad.

War kasoo baxay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxay ku sheegeen iney duqeeyeen saddex hadaf oo milliteri, kuwaas oo kala ah garoonka Al-malik Khaalid ee magaalada Riyaad, garoonka Abhaa ee Casiir, iyo saldhiga Jaazaan ee koonfurta dhulka Xarameynka.

Ciidamada difaaca cirka ee maamulka Aala-Sucuud waxay ku guuleysteen iney hawada ku qarxiyaan illaa todobo gantaal oo noocoodu lagu sheegay “Burkan Atish Taw”, waxaana maamulka Aala-Sucuud uu ku hanjabay inuu jawaab ka bixin doono.

Duqeynta magaalada Riyaad waxay sababtay dhimashada ruux masaari ah oo kamid ah jaaliyadda Masar ee Xarameynka, waxaana dhaawacmey tiro intaas kabadan.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa fariin cabasho iyo dacwo ah wuxuu u diray golaha waxa loogu yeero Amaanka, iyagoona golaha ka codsaday iney cambaarayaan weerarka, islamarkaana la hadlaan dowladda Iiraan oo sawaariikhdan siisay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Saddex sano kadib, howlgalkii dabeysha go’aanka ee ay ku dhawaaqeen dowlado ay hor boodeyso Aala-Sucuud, waxaa muuqata inaaney waxba laga faa’idin dagaalkan, oo aan ka ahayn in la laayay shacabka Reer Yaman, macluul iyo gaajana ay lasoo deristay, waxaana Xuuthiyiintu ay weli maamulayaan meelihii ay horey u qabsadeen, iyadoona awoodooda ay sii korortay.

Dad badan ayaa aaminsan in maamulka Aala-Sucuud daacad aysan ka ahayn dagaalka uu kula jiro Xuuthiyiinta, hadafkiisana uu yahay keliya inuu dhibaateeyo muslimiinta Ahlu Sunnaha Yaman.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular