
Rag hubeysan ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxay ku dileen sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland ee gacan saarka la leh dowladda Itoobiya.
Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Shiine, wuxuuna xubin sare ka ahaa Sirdoonka Puntland ee gobolladaas looga yaqaano Ashahaado la dirirka.
Qeybaha sare ee jirka ayaa dhowr xabadood looga dhuftay Shiine, waxaana durba isagoo meyd ah uu ku dhacay dhulka.
Ciidamo katirsan maamulka Puntland ayaa goobta soo gaaray, waxayna qaadeen meydka sarkaalka.
Ragga dilka fuliyay ayaa si nabad geliyo ay ku dheehantahay uga tagay goobta, kadib markii ay ku guuleysteen iney xaqiijiyaan hadafkooda oo ahaa dilka sarkaalkaas.
Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee lamidka ah, gacantana uu ku hayo maamulka Puntland waxaa kusii xoogeysanaya weerarada lagu ugaarsanayo saraakiisha katirsan maamulkaas.