Caawa fiidkii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay mid kamid ah Odoyaasha soo xulay Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle oo kamid ah maamullada hoostaga dowladda federaalka.
Xuseen Kuulow ayaa rag hubeysan waxay ku dileen isagoo maraya Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Durba markiia y ragani dilka geysteen waxay ka dhaqaaqeen goobta, waxaana dilka Odeygan uu ku daba feylayaa odoyaal farabadan oo horey loogu dilay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo katirsan Soomaaliya.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horay waxay hanjabaad ugu jeedisay odoyaasha ka qeybgalay soo xulista baarlamaannada Shisheeyaha ay ka dhiseen dalka Soomaaliya.
ان الله يا مر با لعد ل والاءحسان وايتاىذىالقربا وينها عن الفحشاء والمنكر والبغى يعظكم لعلكم تذكرون