HomeAll newsHogaanka Guud ee Al-Qaacida oo ka hadlay Loolanka Bariga Africa ka socoda.

Hogaanka Guud ee Al-Qaacida oo ka hadlay Loolanka Bariga Africa ka socoda.

Mu’assasada warbaahineed ee As-saxaab ayaa baahisay kaliamd muhiim ah oo uu kaga hadlayo hogaamiyaha guud ee mujaahidiinta Alqaacida loolanka iyo siraaca taariikhiga ah ee geeska Africa ku dhexmaraya islaamka iyo gaalada.

Kalimadan oo ah qeybata tobnaan ee  silsiladda taxanaha ee uu wado sheekha, looguna magacday guga Islaamka, ayuu sheekhu si faafahsan wuxuu ugu milicsanayaa taariikhda iyo loolanka uu marti geliyay geeska Africa laga soo billaabo maalmihii koowaad ee bicthada Rasuulka SCW illaa iyo maanta.

Sheykh AYman ALdawaahiri, wuxuu sheegayaa in inta ugu badan shacabka Itoobiya ay qaateen diinta islaamka, waayadii uu jihaadku halkaas ka socoday, wuxuuna sheegay in islaamku isku dayo badan oo lagu doonayay in lagu naafeeyo uu ALle ka badbaadiyay, islamarkana uu kusii faafay bariga Africa.

Kalimadan oo ka koobnaan doonta labo juz, juskeeda koowaadna la baahiyay xalay ayuu Sheekh AYman ALdawaahiri wuxuu dhanka kale kusoo hadal qaaday loolanka taariikhda mucaasirka ee dhemxaray muslimiinta geeska Africa iyo nasaarada Xabashida Itoobiya.

Wuxuu sheekhu ka sheekeynayaa iskaashiga dhexmaray nasaarada  geeska Africa iyo kuwa Yurub, si looga takhaluso muslimiinta geeska Africa, iyo dhanka kale dagaalkii jihaadka ee uu hogaamiyay Al-mujaahid Axmed Guray.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular