HomeAll newsHowlgal Kaligii Duulnimo oo Lagu dilay Askar Yahuud ah oo Ka...

Howlgal Kaligii Duulnimo oo Lagu dilay Askar Yahuud ah oo Ka dhacay Filastiin.

Kaligii duule muslim ah ayaa weerar ka fuliyay deegaannada dhulka Filastiin ee ku jira gumeysiga Yahuudda, waxaana uu dilay tiro kamid ah askarta Yahuudda, isagoona dhaawacay kuwa kale.

Howlgalka oo ahaa gaari jiirsiin wuxuu ka dhacay galbeedka magaalada Janiin ee daanta galbeed, waxaana fuliyay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Calaa Qabhaa oo 26 jir ah.

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Yahuuda ayaa geeriyooday, warbaahinta qaarna waxay sheegeysaa in dhimashadu gaareyso illaa iyo 3 askari, waxaana dhaawacmey 2 kale oo dhamaantooda katirsan ciidamada gumeysiga Yahuudda.

Calaa Qabhaa ayaa gaari uu kaxeynayay wuxuu jiirsiiyay ciidamadan, markii dambena waxaa isaga soo gaaray dhaawac, iyadoona ay gacanta ku dhigeen ciidamada Yahuudda.

Wasiirka dagaalka ee Yahuudda oo hadlay ayaa sheegay in xukun dil toogasho ah lagu fulin doono ruuxa weerarka fuliyay, isagoona intaa ku daray in la dumin doono guriga uu deganaa Calaa.

Wiil la dhashey Calaa ayaa hadda xabsiga loo taxaabay, isagana waxaa lagu daweynayaa mid kamid ah xarumaha caafimaadka Yahuudda.

Howlgalkan halyeynimo ayaa aad uga farxiyay muslimiinta Filastiin oo tobanaan sano oo xiriir ah ku jira halgan ka dhan ah Yahuuda dhul boobka ah.

Calaa waa fuliyaha weerarka.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular