HomeAll newsInkabadan 30 Askari Oo Ruush ah Oo ku dhintay burbur diyaaradeed.

Inkabadan 30 Askari Oo Ruush ah Oo ku dhintay burbur diyaaradeed.

Waa diyaarad Ruushku leeyahay oo xilli hore kusoo dhacday Idlib.

Goordhow waxaa garoonka milliteri ee Xamiimiim ee dalka Suuriya ku burburay diyaarad milliteri oo ay leedahay dowladda Ruushka, taas oo siday sahay milliteri iyo ciidamo aad u farabadan oo qeyb ka ah duulaanka lagu soo qaaday wadanka Suuriya.

Diyaaradda ayaa soo dhacday xilli ay dooneysay iney soo caga dhigato garoonka, waxaana gebi ahaanba dhintay askartii iyo shaqaalihii diyaaradda, kuwaas oo gaaraya 32 ruux.

Wasaaradda dagaalka ee dowladdda Ruushka ayaa war ay soo saartay waxay ku xaqiijisay burburka diyaaradda, iyadoona u sababeysay cillado farasmo oo soo wajahay diyaaradda ka hor inta aysan caga dheganin.

Nooca diyaaradda soo dhacday ayaa lagu sheegay iney tahay Antonov An-26, waana mid kamid ah diyaaradaha casriga ah ee dowladda Ruushka ay heysato, una adeegsato gumaadka iyo xasuuqa ay ka wado dalka muslimka ah ee Suuriya.

Guud ahaan shucuubta muslimiinta gaar ahaan kuwa Suuriya ayaa aad ugu farxay markii ay maqleen burburka diyaaradda, waxaana ay kusoo aaday xilli dowladda Ruushka ay gumaad aan horey loo arag ka wado mudo todobaadyo ah deegaannada Al-Quudha Sharqiyah ee nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ah ee wadanka Suuriya.

Diyaaradaha Ruushka ayaa si indha la’aan ah u beegsanaya goobaha dadweynaha ay gabaadka ka dhiganayaan, waxaana labo todobaad gudahood shahiiday kudhowaad 1000 ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular