Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in qarax aad u culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee duulaanka gardarada ah ku jooga dhulkeena Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiyaanka ee la qarxiyay waxay saarnaayeen gaari Uural ah, waxaana markii uu qaraxu qabsanayay ay marayeen deegaanka Awdiinle ee wilaayada islaamiga ee Baay iyo Bakool.
Ugu yaraan 30 askari oo Itoobiyaan xabashi ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo idaacadda islaamiga ee Al-furqaan la hadlay.
Qaraxa ciidamada Itoobiyaanka beegsaday wuxuu ahaa noocyada dhulka lagu aaso ee Miinooyinka.
Askarta Itoobiya ayaa inta badan marka ay isticmaalayaan wadooyinka deegaannada Baay iyo Bakool waxay la kulmaan weeraro iyo qaraxyo qorsheysan, kuwaas oo mas’uuliyadooda ay ka dambeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Gaalada qurmuunee
Qaska iyo xumaantiyo
Qalalaasa doon kaa
Qarax lagu dhameeyiyo
Qoobko miino loosuro
Quud ay cunaan iyo
Qado inay u noqotaa
Qiyaas waa cadaalade
Qamciyoo dhameeyoo
Qudha jara nijaasada
Qaraabiyo manihin ehel
Iyo qoys walaalee
Qaxan iyo bursayn iyo
Qabadsiiya miinoo
Qudha jara nijaasada
Qiiriyo ragaan layn
Qiyam ay dug sanayaan
Qaran koodu waa jabay
Qudhoodaa la baayici
Qaanfuur madaw iyo
Qoys Eebe diidaa
Qabaan iyo siday yiin
Qawsaar adeegsani
Baaruuda qaraxdiyo
Hadaan olol la qabad siin
Qoys wada ridoobiyo
Qolo liidataan noqon
Qamciyoo nijaasada
Qoorta olol u galiyoo
Qabadsiiya miinada
Amxaarooy qandhicileey
Qiiriin cun leeyey
Qoyski Gurey ayaan nahay
Qoon geesiyaal nahay
Qoladaad taqiin iyo
Soomaalaan qiyaas nahay
Inkastoo qabaaniyo
Qawsaaro nahodeen
Misna aanadeen qabe
Nabad kuma qsyluushado
Qaafilada maantana
Quraan ruug yadaw kacay
Qaaid geesiyow kacay
Qudhood wiilal hurayiyo
Shabaab qiiralaw kacay
Amxaarooy qandhicileey
Ha qatalin naftaadee
Qalab kaaga gura oo
Qaado maydkan qurun kaa
Ama qoomamiyo hoog
Qayli aan dhamaad layn
Suro qoobka jiis kaa
Ileen waad qatalantee