HomeAll newsDhagayso Warbixin ku saabsan filimkii Al-kataa'ib ay kasoo saartay Sheekh Muxamed...

Dhagayso Warbixin ku saabsan filimkii Al-kataa’ib ay kasoo saartay Sheekh Muxamed Dulyadeyn.

Waa xalqada shanaad ee silsiladda Rabical-beyc oo  ay baahiso mu’assasada Alkataa’ib, laguna soo gudbiyo taariikhda halyeeyada shuhadada iyo hogaamiyaasha  haldoorka ah ee Allaah la kulmay sidaan u rajeyneyno, iyagoo ku sugan dhabbaha Jihaadka.

Filimkan oo la daawan karo 42 daqiiqo iyo qadar seconna ah, waxaa looga sheekeynayaa taariikhda iyo nafhurka mid kamid ah hogaamiyaashii saadiqiinta ahaa iyo culimadii rabaaniyiinta, kamaa naxsab,  Alsheykh Maxamed Maxamuud Cali oo loo yaqaano Dulyadeyn.

Balse horudhaca filimka, wuxuu soo gudbinayaa kolonyo kamid ah shuhadada geeska Africa oo leh ansaar iyo muhaajiriin, kana kooban hogaamiyaal, iyo ciidan, sidoo kalena leh dhalinyaro iyo waayeel.

Waxaa ragaas kamid ah mujaahidka da’da yar Muxamed Ibraahim Iimaan,

Cabdil-kariim Suldaan Al-ansaari, istish-haadi Macallin Garaad, hogaamiye Asad Al-ansaari, Alsheykh Carafaat, istish-haadi Al-waalid Saalax Nuux Ismaaciil, walaalka Cabdil-malik Al-suudaani, Maxamed Xasan  Xuseen, Khadhaab Al-misri,  hogaaamiye Cabdi-nuur Al-ansaari, hogaamiye Cabdullaahi yare, Alsheykh Khaalid, sheikh Cali Jabal waaligii wilaayada islaamiga ee Banaadir, Sheykh Cabdi-raxmaan Abuu Xudeyfa, hogaamiye Daa’uud,  sheikh Muxamed Amiin oo ay tahay iney ku daydaan ducaada casrigan nool, iyo rag kaloo horleh oo dhamaantooda dhiigooda uu ku dhibcay saaxaadka dagaalka jihaadka  ee geeska Africa.

Marka laga soo tago ciwaanka guud ee uu filimku wato, kaas oo ah rabixal beyc, waxay xalqadan leedahay ciwaan jaanibi ah, oo ah “ istish-haadka hogaanka waa nolosha jiilasha”, waxaana xalqadan kasoo muuqanayo culimo katirsan hogaanka guud ee mujaahidiinta oo ka sheekeynaya walaalkooda ay ku rafiiqeen masiirada jihaadka oo ah Sheykh Muxamed Dul-yadeyn.

1387-dii ayuu Sheekh Muxamed Dulyadeyn ku dhashey gobolka NFD ee ku jira gacanta gumeysiga Kenya, wuxuuna sheekhu ku barbaaray magaalada Gaarisa, markii uu waxbarashadiisa aasaasiga dhameyststana wuxuu u safrey dalka Suudaan, halkaas oo kasii amba qaaday waxbarashada sharciga.

Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi-raxmaan oo kamid ah hogaanka mujaahidiinta, kana soo muuqday filimka ayaa sheegaya in sheekha markii dambe uu go’aansaday inuu isaga soo tago waxbarashada, si uu ugu tafaruqo jihaadka.

Halkan ka dhagayso Warbixin Filimka Rabical-Beyc 5

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular