HomeAll newsAlshabaab oo Leysay Ciidamo Kenyaati ah lana wareegtay saanad hub ah.

Alshabaab oo Leysay Ciidamo Kenyaati ah lana wareegtay saanad hub ah.

Khasaaro xooggan ayaa xalay gaaray ciidamada Kenya kadib markii dagaal lagu qaaday xero ciidamadaasi ay ku lahaayeen deegaanka Finow oo udhaxeeya Dhamase iyo Mandheere.

dagaalka oo ahaa mid culus oo qorshaysan ayaa lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen saddex qeyb oo kamid ah ciidamada Ammaanka sida ciidamada Booliska, Milatariga iyo ciidamo kale oo dowladda Kenya ay ugu talagashay si gaar ah inay kaga hortagaan weerarada ciidamada Alshabaab.

waxaa ciidamada shabaabul mujaahidiin usuurtagashay inay si buuxda ula wareegeen xerada iyo guud ahaan deegaanka.

Ciidamada Kenya  ee ka badbaaday dagaalka  waxay ka firxadeen deegaanka sida ay xogta ku heshay idaacada islaamiga ah Alfurqaan.

wararkii ugu danbeeyay ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in shabaabku ay dileen askar badan,waxaana la arkay ilaa iyo lex askari oo katirsan ciidamada Kenya.

ciidamada shabaabul mujaahidiin ayaa waxaa usuurtagashay inay isku fidiyaan deegaanka iyagoo xerada ka qaatay saanad hub ah.

Ciidamada shabaabul mujaahidiin ayaa sidoo kale gubay laanta shirkada isgaarsiinta Safaricom ay ku lahayd deegaanka Finow.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular