Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weeraradii ay xalay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday xarunta madaxtooyada iyo hotelka Dorpin ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordhay.
Dhimashada ayaa waxay mareysaa 45 inta illaa iyo hadda la hubo kuwaasoo u badan saraakiil iyo ciidamo, inkastoo uu ku jiro xildhibaan hore.
MAGACYADA.
1-Axmad Xuseen waa Xildhibaan Hore waxaa lagu dilay weerarkii xalay
2-Abshir, Waa Korneel ka tirsan ciidamada Koofi-Gaduudda
3- Mahad Salaad Laba Xidigle melleteriga katirsan
4-C/Risaaq Cali Maxamed, Madaxa waaxda sharci dajinta ee wasaarada Cadaalada
5-Xuseen Cali, Laba Xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada
6-Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada
7-Shariif waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada
8- Saddex ka tirsan ciidamada Alpha Group waa dhimasho.
9- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Jiijeey waxaa lagu dilay weerarkii xalay
10- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Maslax wuxuu katirsanaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo waxaa lagu dilay weerarkii xalay.
DF, marnaba saxaafadda lama wadaagin khasaaraha intan la eg iyadoo ku gaabsatay iney cambaareeneyso weerarka, waxaana macluumaadkan laga helay ila caafimaadka iyo ilo kale oo madax bannaan.
Xarakada Al-Shabaab ayaa dhankeeda soo bandhigtay macluumaadyo rasmi ah sida laga baahiyay idaacadda Andalus.