Wariyihii VOA ee magaalada Muqdisho Axmad Xassan Colaad ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday isla Muqdisho kadib markii uu soo wajahay xanuun kadis ah.
Xalay ayaa u dambeysay oo uu ka hadlayay VOA, waxaana geeridiisa xaqiijiyay qaar kamid ah wariyaashii ay wada shaqeynayeen oo barahooda gaarka ah kusoo qoray.
Axmad Xassan Colaad ayaa muddo ka badan 7 sano ka shaqeynayay idaacadda codka Mareykanka. Idaacadda codka dowladda Mareykanka ayaa la furay markii uu bilowday duullaanka ay shisheeyuhu kusoo qaadeen magaalada Muqdisho.