Bayaan kasoo baxay imaarada islaamiga ee afqaanistaan ayaa lagu sheegay in weerar ay mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan shisheeyaha uu ka dhashey khasaaro xoogan.
Ciidamada mujaahidiinta qeybta jugta culus ayaa sawaariikh ku garaacay saldhig ciidan oo ku yaala garoonka milliteri ee gobolka faraah, waxaana duqeyntaas ka dhashey dhimasho iyo dhaawac, iyo waxyeello milliteri.
Imaaradu waxay xaqiijisay in duqeyntaas ay ku dishey 3 askari oo katirsan shisheeyaha, ayna ku dhaawacmeen 4 kale, waxaana sidoo kale goobta ku gubtay labo diyuurado oo nooca hellecopterska ah.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ciidamada mujaahidiinta imaarada islaamiga weerar ay ka fuliyeen isla gobolka faraah ay ku dileen 24 askari oo katirsan ciidamada booliiska, waxayna mujaahidiintu kula wareegeen deegaano hor leh.