HomeAll news48 saac gudahood, inkabadan 200 oo ruux oo ku shahiiday duqeymo ka...

48 saac gudahood, inkabadan 200 oo ruux oo ku shahiiday duqeymo ka dhacay Suuriya.

Diyaaradaha nidaamka nuseyriga Bashaar al-Asad iyo kuwa Ruushka ayaa sii xoojiyay duqeymaha waalida ah ee ay ku garaacayaan magaalooyinka kabaxsan gacanta nidaamka ee ay ku noolyihiin dadka muslimiinta.

Quudhada bari ee kaabiga ku heysa magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ayaa ah halka ugu badan ee marti gelineysa duqeymaha cadowtooyo ee socoda, waxaana saacadihii ugu dambeeyey ay dhimashadu gaartey 112 ruux, iyadoona ay intaa dheeryihiin dhaawacyada farahabadan ee lagu dabiibayo goobaha caafimaadka oo qudhooda duqeymo la kulmaya.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in diyaaradaha nidaamka iyo kuwa ruushka ay si muuqata oo ula kac ah u garaacayaan xaafadaha dadka shacabka ah, iyo goobaha dadweynaha, waxaana meesha kabaxay tiirarkii nolosha, mana jirto suuqyo furan, goobihii waxbarashadana waaya hore ayaaba albaabada la isugu laabay.

Inkastoo Quudhada bari ay u badanyihin duqeymaha hadana kuma koobna halkaas oo keliya, waxaa duqeymo laga soo sheegayaa gobollada Idlib iyo Xammaah, gobolladaas oo kamid ah deegaannada xurta ah ee ay ka taliyaan kooxaha wax iska caabinta kacdoon wadayaasha.

48 saacadood ee lasoo dhaafay waxaa tirada dhimashada duqeymaha ka socoda dalka suuriya ay gaartey 220 ruux, tobanaan ruux oo kale ayaana kooxaha badbaadada soo sheegayaan iney ku jiraan burburka guryaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular