HomeAll newsSuuqa Bakaaraha oo U Xidhan Culeys Ay Ganacsatadu Kala Kulmeen Dowladda.

Suuqa Bakaaraha oo U Xidhan Culeys Ay Ganacsatadu Kala Kulmeen Dowladda.

Suuqa ganacsiga Bakaaraha ayaa maanta xidhan kadib markii ay ganacsatadu ku dhawaaqeen shaqo joojin ay uga cabanayaan dowladda federalka ah.

Dhammaan qeybaha uu suuqu ka kooban yahay ayaa maanta irdaha loo laabay, waxaana la arkayaa wadooyinkii ciriiriga ahaa ee suuqa oo haawanaya.

Ganacsatada ayaa shaqo joojintan ku muujinaya sida ay uga xun yihiin canshuur xad dhaaf ah oo ay dowladda federalku kusoo rogtay, xilli waliba qaar kamid ah badeecadahoodii lagu xayiray dekedda magaalada Muqdisho.

Maalintii dorraad ayay ahayd markii qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ay u tageen wasiirka maaliyadda iyagoo cabasho ka ah canshuuraha dheeraadka ah, balse wasiirka ayaa tujaarta u sheegay iney iska bixiyaan lacagta haddii kalana ay badeecada kala soo degaan dekedda magaalada Kismaayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular