Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysani ay bartamaha magaalada ku toogteen sarkaal ka tirsanaa maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/wali Gaas.
Sarkaalkan oo ku magac dheeraa Xassan Xiir ayaa u dhintay dhowr xabbadood oo lagu dhuftay waxaana xusid mudan in si nabad galyo ay ku baxsadeen raggii weerarka fuliyay oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.
Goobta dilku ka dhacay waxaa gaaray ciidamo gurmad ah si ay u qaadaan meydka, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dhacdadan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa aad usii laba jibaarmay beegsiga ka dhanka ah saraakiisha maamulka Gaas, waxaana shalay oo ugu dambeysan sarkaal lagu khaarajiyay inta u dhaxaysa Sugurre iyo Galgala.