HomeAll newsKheyrre oo Eryay Sadax Wasiir Kadibna Magacaabay Sadax Kale.

Kheyrre oo Eryay Sadax Wasiir Kadibna Magacaabay Sadax Kale.

Sadax wasiir oo kamid ahaa golaha wasiirada ee DF ayaa si lama filaan ah xilalkooda looga qaaday kuwaasoo ay kamid ah ay yihiin wasiiradii ugu dhawaa Xassan Cali Kheyrre.

Wasiirada xilalka laga qaaday ayaa kala ah: wasiirka arimaha gudaha, arimaha dibadda, ganacsiga iyo warshadaha.

C/raxmaan Yayiisow oo ah wasiirka warfaafinta ayaa saxaafadda u sheegay in Yuusuf garaad oo ahaa wasiirkii arimaha dibadda, Khadra Ducaale oo ahayd wasiiraddii ganacsiga iyo warshadaha iyo Cabdi Faarax Jixa wasiirkii arimaha gudaha ay xilalkoodii ku waayeen wareegto kasoo baxday xafiiska Kheyrre.

Isla wareegtada ayaana waxa uu kheyrre ku magacaabay sadax wasiir oo kale: wasiirka ganacsiga iyo warshadaha waxaa loo magacaabay Maxamad Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka arimaha dibadda waxaa loo magacaabay Axmad Ciise Cawad, arimaha gudahana waxaa loo magacaabay Cabdi Maxamad Sabriye.

Isku soo wada duuboo ujeedada xil ka qaadista degdegga ah ee sadaxda wasiir ayaaney dowladdu faahfaahin rasmi ah ka bixin, waxaana arrintan ay kusoo hagaageysaa iyadoo ay DF wajahayso culeysyo kala duwan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular