Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in sarkaal ka tirsan maamulka Puntland lagu dilay qarax miino oo lala beegsaday barqanimadii maanta.
Qaraxa ayaa si toos ah u haleelay gaari uu saarnaa sarkaalka taasoo sida aan xogta ku heleyno keentay inuu dhinto.
Sarkaalkan oo qaabilsanaa dhanka miino baarista ayaa waxaa lagu helay inta u dhaxaysa Galgala iyo Sugurre, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gaas.
Dhawaan ayay ahayd marii sidan oo kale qarax lagu dilay sarkaal sare oo isna miina baarista u qaabilsanaa maamulka Puntland.