HomeAll newsFagaare Ku Yaalla Degmada Kurtunwaarrey oo Lagu Dilay Shan Jawaasiis Ah.

Fagaare Ku Yaalla Degmada Kurtunwaarrey oo Lagu Dilay Shan Jawaasiis Ah.

Shan ruux oo jawaasiis ah islamarkaana lagu eedeeyay iney u shaqeynayeen hey’adaha sirdoonka ee shisheeyaha iyo kuwa ku daaban ayaa lagu dilay fagaare weyn oo ku yaallada degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Sh/hoose.

Qaadiga Maxkamada Islaamiga ayaa fagaaraha magaalada oo ay soo xaadireen boqolaal qof ka aqriyay xukunka jawaasiistan oo noqday in la dillo, isla fagaarihii ayaana lagu fuliyay.

Magacyadooda Waxay Kala Ahaayeen Sida Soo Socota.

1-Cabdul qaadir Cumar Xassan oo 23 sano Jir lana shaqeynayay maamulka DF ugu magacaaban degmada Qoryooley.

2-Cabdulqaadir Shukri Xasan oo 30 Jir ah islamarkaana u shaqeynayay Sirdoonka DF.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 sano Jir lana shaqeynayay Taliska Ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu tahay 30 sano Jir lana shaqeynayay BS-ta Sirdoonka DF ee Muqdisho.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo  yaqaano Jacfar Dheere Oo Da’diisu Tahay 36 jir lana shaqeynayay dowlada Kenya.

Xukunka Maxkamada Degmada Kurtunwaarey

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular