Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhiga ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Waajid ee gobolka Bakool koonfur galbeed Soomaaliya.
Dhowr gantaal oo ka dhaca qoriga Hoobiyaha ayaa gudaha ugu dhacay saldhiga ciidamada Itoobiya ee magaalada Waajid, waxaana markii duqeyntu billaabatay cabsi soo wajahdey ciidamada Xabashida.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay inuu ka dhashey duqeyntan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Waajid ee gobolka Bakool.