
Qoraal kooban oo kasoo baxay lajnada warfaafinta ee Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu soo gudbiyay tirakoobka howlgalladii jihaadiga ee sanadkii dhamaaday ee 2017 ka dhacay guud ahaan gobollada kala duwan ee wadankaas.
Tirade guud ee howlgalladu waxay gaarayaan 7503 howlgal, 48 kamid ahna waa camaliyaad Istish-haadi ah oo ay fuliyeen halyeeyo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Imaarada.
Howlgalladaas farahabadan ee libaaxyada Imaarada Islaamiga ah fuliyeen waxaa kamid ah howlgallo gaar ah oo lagu soo riday 20 diyaaradood, oo kala ah 7 duuliye la’aan ah iyo 13 Hellecopter ah.
Marka laga hadlo khasaaraha howlgalladan jihaadiga ah ay geysteen waxay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaas oo si isku mid ah u gaaray ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalka Afqaanistaan iyo malleeshiyaadka maxalliga ah ee iyaga la shaqeeya.
Tirada ciidamada shisheeye ee lagu dilay sanadkan dhamaaday dalka Afqaanistaan waa 289, halka tirada dhaawacyada ay gaareen 124.
Dhanka ciidamada xukuumadda Kaabul waxay dhimashadoodu gaareysaa 14938, halka dhaawcyadoodana ay gaarayaan 9430.
408 kamid ah tirada dhimashada waxay ahaayeen saraakiil sar sare oo katirsan shisheeyaha iyo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.
Gawaarida sanadkan ay Mujaahidiintu gubeen ee lagu sheegay qoraalka Lajnada warfaafinta ee Imaarada kasoo baxay waxay gaarayaan 2976, halka mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen 323 gaari oo nadiif ah oo aysan gaarin wax rasaas ah.
Waxaa Mujaahidiinta isku soo dhiibay oo towbad keenay 4196 askari.