HomeAll newsCiidamo katirsan Dowladda oo Weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamo katirsan Dowladda oo Weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa weerar ku qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka deganyahay Xillibaan Cabdi Cawaale Qeybdiid oo kamid ahaa dagaal oogayaashii soo maray taariikhda Soomaaliya.

Ciidamada oo hubeysnaa ayaa gaari ay wateen ku jabiyay albaabka hore ee guriga, waxaana markaas kadib ay qabteen ilaalada guriga, iyagoona kala wareegay hubkii ay wateen.

Cabdi Qeybdiid oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay guriga baareen, islamarkaana ay qaateen hanti iyo hub guriga tiillay, wuxuuna intaa ku daray in daaqadaha guriga la jajabiyay.

Cabdi qeybdiid wuxuu sheegay in ciidamada soo weeraray gurigiisa ay ka amar qaataan madaxda dowladda federaalka, islamarkaana ay kamidka yihiin kuwa uu Imaaraatku tababaray.

Arintan ayaa laga hadal hayaa magaalada Muqdisho, waana siyaasigii labaad oo Muqdisho lagu weeraro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular