HomeAll newsCiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay deegaan katirsan gobolka Gaarisa.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay deegaan katirsan gobolka Gaarisa.

Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya gobolka NFD ee Kenya ay xooga ku heysato, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ka fuliyay mid kamid ah deegaannada gobolka Gaarisa.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay deegaan lagu magacaabo Ijaara oo hoostaga magaalada Gaarisa.

Mujaahidiinta waxay gubeen saldhigii Booliiska ee deegaanka oo ay isaga carareen ciidamada Kenya ka hor inta aysan soo gaarin mujaahidiinta, waxaana sidoo kale la gubay dhismaha shirkadda Safaricom.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan gobolka Laamu ee xeebta dhaca lagu dilay labo ruux oo kirishtaan ahaa, waxaana laga gubay gaari nooca xamuulka ah oo ay wateen.

Camaliyaadka iyo howlgallada ka dhanka ah ciidamada dowladda Kenya iyo muwaadiniinteeda Nasaarada ah ayaa kusoo kordhaya gobollada NFD ee Soomaalidu leeyihiin iyo gobolka Laamu ee dhaca xeebta oo ay leeyihiin muslimiinta, waxaana howlgalladaas ka dambeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo saldhigtay halkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular