HomeAll newsMuslimiinta Cumaan oo is garab taagay walalaahooda dhibaateysan ee Reer Yaman.

Muslimiinta Cumaan oo is garab taagay walalaahooda dhibaateysan ee Reer Yaman.

Iyadoo dalka Yaman uu dhowr sanadood oo xiriir ah uu ka soconayo dagaallo u dhexeeya malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya Iiraan iyo maamulka Cabdi Rabbii haadi Mansuur, ayaa dagaalladaas waxay saameyn ku yeesheen dadka muslimiinta.

Inta badan magaalooyinka dalka Yaman waxaa gacanta ku haya Xuuthiyiinta oo ay ku jirto magaalada Sancaa, waxaana dadka ay la kulmaan dhibaatoyin joogta ah, oo ay kamid tahay in la xiro, in la dhaco hantidooda, taasna waxay keentay in dad badan ay ka barakacaan magaalooyinkooda.

Dhibka ka imaanaya dhanka Xuuthiyiinta marka laga soo tago waxaa kaloo jira dhibaato daran oo dadkaa Muslimiinta kaga imaaneysa dhanka isbaheysiga uu Aala-Sucuud hogaamiyo, kaas oo cunaqabateyn dhanka cirka, badda iyo bariga kusoo rogay dalka Yaman.

Sidaas darteed waxaa cirka isku shareeray maciishada quutul daruuriga caadiga ah, taas oo meelaha qaar lacago farabadan lagu kala iibsado, waxaa intaas dheer dawada oo gebi ahaanba ku yar magaalooyinka dalka Yaman, waxaana shaqada joojiyay Isbitaallo dhowr ah kadib markii ay waayeen wax dawo ah.

Hadaba dhibaatadaas jirto iyagoo ka jawaabaya ayay muslimiinta Cumaan oo deris la ah dalka Yaman waxay billaabeen in si iskooda ah ay isaga soo uruuriyaan lacago iyo dawooyin, kuwaas oo si adag lagu soo gaarsiiyo muslimiinta dhibaateysan ee Yaman ku nool.

Dad is xilqaamay oo muxsiniin ah ayaa dhowrkii biloodba mar soo gaara dalka Yaman kuwaas oo wada cunnooyin, dawooyin iyo qalab kale oo waxtar u leh dadka Muslimiinta.

Shucuub badan oo reer Yaman garab istaagi lahaa waxaa ka hortaagan dowladaha talada haya, waxaa shucuubtaas kamid ah kuwa ku nool Xarameynka oo aan u gurman karin walaalahooda Yaman culeesyada uga imaanaya maamulka Aala-sucuud dartiis.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular