Shacabka dalka Iiraan ayaa sanado kadib wuxuu billaabay banaan baxyo waaweyn oo uu uga soo horjeedo siyaasadda maamulka dalka Iiraan ka dhisan.
Maalintii shalay oo Jimco ahayd waxaa magaalooyin farabadan oo katirsan wadanka Iiraan ka dhacay bananabaxyo ballaaran kuwaas oo ay dhigayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dadku ay ka cabanayaan arimo dhowr ah oo la xiira kuwa gudaha iyo kuwa dibadda ah.
Magaalooyinka Shiiraaz, Kharam Abaad, Karmaan Shaah iyo kuwa kale oo inta badan ay degaan dadka muslimiinta ee Kurdiyiinta ah ayay banaanbaxyo ka dheceen, waxayna dadka ka cabanayeen faqriga, maciishada oo kacsan, iyo faragelinta dowladda Iiraan ay ku heyso wadanka muslimka ah ee Suuriya.
Magaalooyinka Zahdaan, Warshat, Hamadaan, Qazwiin iyo kuwa kale ayaa iyagana dib kaga soo biiray bananabaxyada, waxaana dadka oo aad u farabadan ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ka dhan ah maamulka.
Dowladda Iiraan ayaa markii ugu horeysay war ay kasoo saartay banaanbaxyada waxay ku sheegtay in waxa socoda ay yihiin shirqoollo ay dhigeen dowlado cadow ku ah Iiraan, waxayna shacabkeeda ugu baaqday iney is dejiyaan.
Ciidamada ilaalada kacaanka ayaa sheegay dhankooda in banaanbaxyadan lagu doonayo in lagu daciifiyo awooda dowladda Iiraan, iyagoona tilmaamay waxa socoda iney yihiin Shirqoollo lagu hagar daaminayo dowladda Iiraan.
Banaanbaxyada ayaa weli socoda, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan, waxaana ciidamada Booliiska iyo noocyada kala duwan ee dowladda Iiraan ay isku dayayaan iney ka hortagaan dibadabaxyada.