Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa halkooda kasii wada howlgallada Al-Mansuuriyah oo si wanaagsan uga soconaya guud ahaan dalka muslimka ah ee Afqaanistaan.
Bayaan kasoo baxay Xarakada Islaamiga ee Dhaalibaan ayay ku faafaahisay howlgal istish-haadi ah oo ka dhacay magaalada Lashkar Jaah ee xarunta gobolka Helmand.
Naftii hure katirsan Imaarada ayaa camaliyad ku qaaday goob ay kaga sugnaayeen magaalada ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul, waxaana durba halkaas ku dhintay inkabadan 30 Askari oo katirsan malleeshiyaadkii goobta ku sugnaa.
Dhaawacyo farabadan ayaa sidoo kale jira, warar qaar waxay sheegayaan in dhaawucu marayo illaa 22 ruux, waxaana qaraxa ka dhashey camaliyadda uu burburiyay gawaari Hamar ah oo dhowr ah kuwaas oo ku baakimnaa halka ay camaliyadu ka dhacday.
Dhanka kale ciidamo Maraykan ah iyo xoogag katirsan Naato ayaa isaga cararay saldhig weyn oo ay ku lahaayeen gobolka Ruuzjaan.
Ciidamada Maraykanka ayaa saldhigan ka cararay kadib markii ay joogto noqotay weerarada ka imaanaya dhanka Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan.
45 maalmood gudahood ayay ciidamada Imaarada Islaamigu waxay saldhigan ku garaaceen 116 Saaruukh, waxaana sawaariikhdaas ay geysteen khasaare muuqda.
Imaarada Islaamiga ee Afqanistan oo uu hogaamiyo Sheykh Mowlawi Hibatullaah ayaa si firfircoon u wada howlgallo jihaadi ah oo lagu naafeeyey ciidamada shisheeyaha ee dalkaas duulaanka ku jooga iyo kuwa ku taageeraya ee asal ahaan ku abtirsada muslimiinta degta dalkaas.