HomeAll newsSarkaal sare oo katirsan Maamulka Puntland oo Mudug lagu dilay.

Sarkaal sare oo katirsan Maamulka Puntland oo Mudug lagu dilay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha soomaaliya waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Gaas.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Qaley Yuusuf Jiile, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha ciidamada lagu magacaabo Daraawiishta ee maamulka Puntland.

Sarkaalka la dilay wuxuu taliye u ahaa oo uu heystay ciidamada ku sugan xerada Inji, waxaana markii la dilay kadib goobta soo gaaray ciidamo katirsan maamulka Puntland, kuwaas oo meydkiisa goobta ka qaaday.

Dilalka qorsheysan ee lagu ugaarsanayo saraakiisha maamulka Puntland noocyadooda kala duwan ayaa kusoo badanaya gobollada bari iyo Mudug, waxaana inta badan mas’uuliyada dilalkaas sheegta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular